HomeWarkiiXOGTA: Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo si xun u bah-dilay Gudoomiyaha maareynta Masiibooyinka

XOGTA: Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo si xun u bah-dilay Gudoomiyaha maareynta Masiibooyinka

Open photoMOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi maanta Hay’ada masiibooyinka Qaranka ay gaarsiisay diyaarado mucaawino ah oo ay ugu talo galeen macawisleyda reer Hiiraan ee dagaalka adag kula jirta Alshabaab.

Gudoomiyaha Hay’ada Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin  ayaa markii uu ku wareejiyay mucaawinada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad waxaa goobta ka dhacday arin uusan fileyn gudoomiyaha maareynta masiibooyinka kadib markii goobta lagu bah-dilay.

Bah-dilaada ayaa timid kadib markii Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan isagoo si hoose ula hali karay uu meel fagaare ah oo warbaahintii taagan tahay uu Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ka shifay balan hore uga dhexeysay isaga iyo Dowlada gaar ahaan Gudoomiyaha maareynta musiibooyinka taasoo ahayd in reer Hiiraanka halganka adag ku jira maraakiib loo soo rari doono iyaga u qaas ah.

“waxaan isku ogeyn in maraakiib qaas ah aad noo keento markaasaad halkaan la soo istaagtay dhowr kartoon ,ma aqbalayno mana kuugu sacbin doono”ayuu yiri Gudoomiyaha Hiiran xili wafdiga Dowlada indho ka soo hareen.

“Gudoomiye dadkaan reer Hiiraan waxay ku jiraan dagaalo kala duwan,sida dagaal fatahaadeed,mid abaareed iyo mid colaadeed,sababaha hay’adaan loo aas aasayna waxaan jeclahay inay saldhig u tahay sedexdaasi arimood, maantana waxaan joognaa adigoo hay’ada uu sareeya iyo labadaan diyaaradood iyo kartoomankaasi meesha yaal iyo gobolka hiiraan”ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Muuse Salaad intaasi ugama harine wuxuu ku kor sharaxay sheeko hore u dhacday oo dhaga-hadal ah.

Dhanka kale Gudoomiye Muuse wuu gar dhigtay wuxuu sheegay in dhamaan macwisleyda Hiiraan si free ah qarankooda ugu adeegaan sidaas daraadeedna Dowlada laga rabay hadii xitaa baabuur wax loogu keeni karin in hawada loo soo mariyo madaama ay ciidanku reerko ka soo tageen oo abaar iyo colaad isugu darantay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -