HomeWarkiiXOGTA: Qaladadka ku jira heshiiska Somalia kula gashay Turkida soo saarista shidaalka

XOGTA: Qaladadka ku jira heshiiska Somalia kula gashay Turkida soo saarista shidaalka

Marka dib loo eego heshiiska Somalia kula gashay Dalka Turkiga inuu Somalia shidaal u soo saaro waxaa kuu soo baxeysa in shidaalka ay Somalia marti ka tahay oo Turkigu uusan Somalia dhaqaale u soo kordhineyn balse uu isaga dhaqaale kororsanayo oo kaliya.

Heshiisku uma eka mid laba dal oo siman ay kala saxiixdeen ee Turkigu wuxuu si toos ah uga faa’iideysanayaa tabar darida maanta heysata Somalia  hadii ay run tahay sida xogya aan ku helnay in heshiisku u qoran yahay.
Waxaa la sheegayaa in Dawladda Turkiga ay 90% qaadaynayso wax-soo-saarka shidaalka Soomaaliya ka hor inta aan faa’iidadiisa la qaybsan, taasoo macnaheedu yahay inay u qaadanayaan dhaqaalaha ka galaya baarista iyo soo saarista shidaalka.
Heshiiskii  7 March 2025 Soomaaliya iyo Turkigu wada galeen ayaa sidaas qoraya, sidoo kale Turkigu durba waxay geeyeen
Baarlamanka dalkaasi si uu ansixiyo mana cada inay ansixiyeen iyo wali tahay.
Waxaa kale oo soo baxaya in marka la gaaro faa’iido qaybsiga shidaalka, Soomaaliya la siiyo 5% oo kaliya taasoo hadii ay run tahay ka dhigeysa shidaalka in Turkigu isaga soo saaranayo ee uusan Somalia u soo saareyn.
Heshiiska sida la sheegayo waxba waxbaa ka sii darani waxa la leeyahay waxaa uu dhigayaa ama qorshaha Turkigu yahay in sideedaba xitaa maamulisiisa iyo iib geyntiisa uu Turkigu leeyahay oo Soomaaliya aanay halkaasi boosba uga banaaneyn.
Soomaaliya waxaa la leeyahay waxba lagama weydiinayo arrimaha Shidaalka oo dunida waxay heshiisyada la galayaan dalka Turkiga marka ay shidaalka Somalia iibsanayaan.

XAFIISAK WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of textMay be an illustration of textMay be an illustration of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an image of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an image of text that says "ENTRY INTO 12.1 ARTICLE1 This DURATION notification which the Parties receipt Party hereby covenants other, through diplomatic channels, other shail promptly and properly take necessary measures following the 12.3 order make Agreement legislation Agreement, effective under the rules Parties' states, This rules those Party Agrecment shall apply. periods writing through unless one channels extended The termination notifies already expiration progress Agreement İstanbul Signed authentic. projects 2024 Turkish, any divergence English languages, English finterpretation, Behalf texts being the Governmentof shall prevail. Behalf Federal Government Federal Republic Somalia Nhouchhol. BAYRAKTAR Energy Minister Resources Abdirizak MOHAMED Türkiye and Mineral Resources Federal Republic"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -