MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa gabi ahaanba la xaqiijiyay inuu dib u dhac kale ku yimid shirkii Golaha wada-tashiga Qaran ee Maanta oo isniin ah Dowladu hore u shaacisay inuu dhici doono.
Guud ahaan waxaa muqdisho iman oo baaqday Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur-Galbeed kuwaasoo lagu waday inay shalay ama maanta soo gaaraan Muqdisho.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf hoose oo soo kala dhex-galay madaxda Dowlada Somalia iyo qaar ka mida madaxda Maamul Goboleedyada taasoo aan laba qeyn u kala qaadi doono.
Sedexda maamul Goboleed ee maqan waxaa la sheegayaa inay diidan yihiin in SSC Khaatumo saxiix ku yeelato shirkaani madaama ay yihiin maamul cusub iyagoona soo jeediyay inay kaliya martiqaad ka qeybgal shir uu yeesho hogaamiye Firdhiye halka Ra’iisulwasaare Xamsa iyo Madaxweyne Xassana doonayaan inay saxiix yeeshaan oo ay sinaadaan.
Sidoo kale waxaa jirta khilaaf ku eg Laftagareen iyo Madaxtooyada taasoo ka dhalatay habka loo kala qeybsaday xilalka xisbiga UPD ee dhawaan dib u habeynta lagu sameeyey loona bixiyay xisbiga Nabada iyo Cadaalada iyadoo ay iskula jiraan madaxda maamul Goboleedyadaan sadexda ah,Gudoomiyayaaasha labada aqal ee baarlamaanka ,Xamsa Cabdi-Barre iyo kooxdii hore ee Madaxweyne Xassan hogaaminayay ee UPD.
Lata-gareen iyo Aadan Madoobe oo isku reer ka soo jeeda waxay saluugsan yihiin sida xilalka loo qeybsaday taasoo kala ah Madaxweyne Xassan Musharaxa xisbiga ,Xog-hayaha Xildhibaan odowaa iyo Gudoomiyaha Xisbiga Xamsa Cabdi-Barre.
Lata-gareen iyo Aadan Madoobe waxay diidan yihiin in Hawiye iyo Daarood xilalkii ugu sareeyay qeybsadaan halka iyaga reerkooda lagu qadiyay hogaanka sare ee xisbigaani oo doorashada soo socota ay ku dagaal geli rabaan kooxdaan Nabada iyo Cadaalada.
Lama yaqaan xiliga ay Dowladu shirka ka dhigi doonto iyo sida khilaafkaani loo xalin karo intaba.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMÂ