BADHAN (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa dadaal xoogan gelineysa sida aan xogta ku helnay in degmooyinka iyo deegaanada ay deegaan beesha Warsangeli Daraood la midoobaan walaalahooda dhul-bahante isamarkaana ay ku biiraan maamulka SSC Khaatumo.
Madaxweyne Xassan ayaan xogta ku helnay inuu qarash xitaa ku bixiyay iyo waliba abaabul xildibaanada beesha Warsangeli ee federaalka ku jira sidii reer Sanaa, reer Sool iyo Ceynba loo mideyan lahaa si maamulka SSC Khaatumo ay isugu tagaan oo markaana maamulkaasi u noqdo mid dhul weyna heysta awoodna leh.
Dadaalka Xamsa iyo Xasan waxaa hada soo dhex-galay qorshe uu wato Saciid Deni oo ah inuu safar ku tago Magaalada Badhan oo ay degaan Beesha Warsangeli Daarood isagoo raba inuu ku qanciyo inay Puntland ka sii mid noqdaan xili la hadal hayo inuu xilal sar sare uga balan qaaday Maamulka Puntland.
Hadii ay dhacdo in Deni la heshiiyo Warsangeli waxay laba qeyb kala noqonaya dadkii isla lahaa maamulka SSC Khaatumo si aysan taas u dhicin waxay ciyaartaan u dhexeysaa Xamsa iyo Xasan oo isku saf ah iyo Saciid Deni oo garab ka helaya Cirro iyo boqor buur-madow.
Saacdihii ugu dambeeyay waxaa baraha bulshada lagu arkayay dhalinyaro reer Badhan ah oo u dhaaranaya Saciid Dani haduu isku dayo inuu soo aado dhankooda iyagoo si adag u diidan imaanshihiisa.
Labada dhinacba waxaa la isku hayo ayaa ah xildhibaanada Warsangeli halkii laga soo xuli lahaa sanadka 2026 oo hadii lagu qanciyo warsangeli inay maamulkooda Khaatumo ku adkeystaan waxay noqoneysaa in Laas-caanodo iyo Badhan laga soo dooran doono xildhibaanada warsangeli balse hadii ay puntladn ku laabtaan waxaa laga soo dooran doonaan Boosaaso.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM