HomeWarkiiXOGTA: Shirka Muqdisho ku dhex-maray Hogaamiye Firdhiye iyo Taliye Odowaa

XOGTA: Shirka Muqdisho ku dhex-maray Hogaamiye Firdhiye iyo Taliye Odowaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku wada qaatay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo C/qaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage.
Labada Masuul waxay isla soo qaadeen xaalada Dalka ,dagaalada dalka ka socda ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo sidoo kale iskaashiga Maamulka iyo Taliska Ciidamada Xoogga.
Warar hoose ayaa sheegaya in Taliyaha iyo Hogaamiyaha si horu dhac ah uga hadleen sidii ciidamada kumaandooska Danab talis ay ku howlgalaan loogu sameyn lahaa Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka SSC Khaatumo.
Qodobkaan ayaa ku soo aadaya xili dhamaan maamul Goboleedyda dalka ay ciidamo ka joogaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya kuwaasoo badankood ah ciidamada kumaandooska Danab oo Mareykanlu uu maal-gelin iyo tababar-ba u sameeyay.
Kulankaan Hogaamiye Firdhiye iyo Taliye Odowaa ayaa ku soo aadaya xili dhawaan uu Muqdisho soo gaaray hogaamiyaha si uu uga qeybgalo shirka wada-tashiga qaran ee u dhexeeya Dowlada iyo Maamul Goboleedyada.
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -