HomeWarkiiXOGTA: Xiisadii u dhexeysay Maamulka Mudug-Puntland iyo ciidamada PSF oo gaartay heer...

XOGTA: Xiisadii u dhexeysay Maamulka Mudug-Puntland iyo ciidamada PSF oo gaartay heer Alshabaabnimo la isku eedeeyo.

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa sheegaya in xiisadii u dhexeysay Maamulkaasi iyo Taliska  ciidamada PSF inay gaartay meeshii ugu sareeysay.

Maalmihii ugu dambeeyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali (Jifo-jabsade) wuxuu ku eedeynayay ciidamada PSF inay u shaqeeyaan Dowlada Faderaalka Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xassn laakiin maanta Gudoomiyuhu xaalada meel ka sii sareysa ayuu gaarsiiyay.

Gudoomiye Faysal Shiikh Cali (Jifo-jabsade) wuxuu ku dhawaaqay in PSF xiriri la leeyihiin Alshabaab islamarkaana ayba iyaga ka dambeeyeen wixii hore madax jabis uga dhacay Magaalada Gaalkacyo.

“ciidanka PSF  waxay qeyb ka ahaayeen dilalkii qorshaysnaa iyo madax-jebiskii laga raystay ee ka dhici jiray Gaalkacyo”ayuu yiri Jifo-jabsade oo maanta hadal ka jeediyay magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha wuxuu intaasi ku daray in maalintii Ciidanka PSF shaqada laga joojiyay ilaa iyo hada aaney Gaalkacyo ka dhicin wax dil ah taasoo ah eedeyn kale oo culeyskeeda wadata.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay ciidamada PSF inaan taariikhda lagu heyn qof ay alshabaabnimo iyo madax jabis usoo qabteen taas badalkeeda marka ciidamada kale ay soo qabtaan ayuu sheegay inay ka daba iman jireen.

Si kastaba Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Jifo-Jabsade ma shaacin wax cadeyn ah oo ku saabsan eedeynta culus uu u jeediyay ciidamada PSF iyo hogaankooda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMGaalkacyo 15 Jully waxaan maanta shir gudoomiyay shirkii Golaha Hormarinta Gobolka Mudug shirkaas oo maanta ka qabsoomay xafiiska maamulka gobolka Mudug. Shirkaas waxaa warbixino laga dhagaystay qaar kamida golaha waxaa kaloo looga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -