HomeWarkiiXukunka Dil ka dhaxcay Isgooska Tarabuunka 

Xukunka Dil ka dhaxcay Isgooska Tarabuunka 

Dable Xoogga Maxamud Xasan Xagaf iyo Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan, ayaa loo heystaa in isgoyska Tarabuunka Xilli uu ka jiray Jaam inay ka dhex rideen Xabado lagu cabsi gelinayo Kumanaanka Isticmaalaya Waddadaasi, waxaana rasaastaasi ka dhalatay dhimashada Labo Muwaadin.
Dable Xoogga Maxamuud Xasan Xagaf Xaayow (Baasto) ayaa lagu soo eedeeyay Dil Bareer ah, Caadeystanimo Dembi iyo Baxsasho, Kadib markii isaggoo jooga Isgoyska Tarabuunka oo Saxmad ah xabado uu furay ay ku geeriyodeen Marxuum Xuseen Maxamed Maxamuud iyo Marxuumad Laylo Cali Hilowle oo ah hooyo Todobo Caruur Agoon ah korineysay, falkaan ayaana dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sagaalkii Bishii April ee Sanadkaan.
Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan ayaa isna lagu soo eedeeyay Qal-qal gelin Amni, kadib markii uu si bareer ah rasaas uu ugu furay isgoyska Tarabuunka.
Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo Tobankii bishii May ee Sanadkaan.
Askar isku shaqo ay ahayeen Eedeysaneyaasha iyo qaar kale oo ku Qornaa Shaqada Amniga ee isgoyska Tarabuunka, ayaa Marag ahaan loo dhageystay, maadaama ay Goob joog ahayeen.
CCTV Camera oo duubtay Fal-dambiyeedkaan Ayey Xafiiska Xeer ilaalinta Ku\soo Bandhigeen Maxdarka, waxaana Tilmaamo looga bixiyay Sida loo kala leeyahay Dembigii dhacay.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Ex- Dable Xoogga Maxamuud Xasan Xagaf Xaayow (Baasto) Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuumiinta kala ah, Laylo Cali Hilowle iyo Xuseen Maxamed Maxamuud, Halka Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan isna ay Maxkamadda u diratay Hal sano oo Feercelin ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -