HomeWarkiiXuutiyiinta Yemen oo sheegteen mas'uuliyadda laba gantaal oo lagu weeraray Israa'iil

Xuutiyiinta Yemen oo sheegteen mas’uuliyadda laba gantaal oo lagu weeraray Israa’iil

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegteen mas’uuliyadda laba gantaal oo lagu weeraray Israa’iil, warbaahinta Aljazeera ayaa horey u sheegtay in ciidamada Israel ay sheegteen in ay qabteen labo gantaal oo laga soo tuuray Yemen horaantii maanta laba dhacdo oo kala duwan.

Kooxda Xuutiyiinta ee Hubaysan ayaa xaqiijisay weerarradaas, iyagoo sheegay inay jawaab u ahaayeen weerarkii shalay dadka Israa’iil ay ku qaadeen dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Quddus.

Bayaanka kooxda oo lagu daabacay Telegram ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah gantaallada lagu bartilmaameedsaday garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee Tel Aviv, kan labaadna uu u jihaystay bartilmaameed muhiim ah oo cadawga Sahyuuniyadda ah ee bariga Israa’iil.

“Howlgalku wuxuu si guul leh u gaaray hadafkii laga lahaa, Ilaah baa mahad leh, wuxuuna sababay malaayiin ka tirsan Sahyuuniyadda inay ku yaacaan hoyga, iyagoo joojiyay isu socodka hawada ee garoonka,” ayaa lagu yiri war xuutiyiinta ka soo baxay

“Xasuuqa ka dhanka ah walaalaheen Marinka Gaza, oo ay weheliso go’doominta iyo gaajada, waa dambi aan horay loo arag taariikhda bini’aadamka, tani waxay u baahan tahay in dhammaan dadka xorta ah ee ka soo jeeda qarankeena iyo adduunka oo dhan ay qaadaan tallaabo ay ku ilaalinayaan caddaaladda, difaacayaan bani’aadamnimada, iyo inay gutaan waajibaadkooda ku wajahan dadka Falastiiniyiinta ah ee dulman,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka Xuutiyiinta.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.CO

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -