Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa la soo sheegayaa inay duqeyn u geysteen mid ka mida garoomada diyaaradaha ugu weyn ee Yuhuuda halkaasoo lagu kala cararay.
Garoonkaan oo ah Ben Gurion islamarkaana ku yaal Magaalada Telaabiib waxaana ay sababtay in gabi ahaanba shaqadii garoonkaasi uu istaago xili dagaal-yahanadu digniin siiyeen shirkadaha diyaaradaha caalamka ee garoonkaasi isticmaala.
Kooxdaan ayaa ayaa hore shaacisay inay danaha Yuhuuda weerari doonaan tan iyo inta ay ku jiraan ciidamada Israa’iil dhulka marinka Gaza ee reer Falastiin.
Mareykanka garab siin jirey Yuhuuda islamarkaana Yemen duqeyn jirey ayaa dhawaan la heshiiyay xuutiyiinta kadib markii uu dhaqaale ahaan wadi waayay duqeymaha yemen ay ka geysan jireen.
Xuutiyiinta Yemen waa dagaal yahano aad u diyaarsan islamarkaana heysta gantaalo gaari kara guud ahaan magaalooyinka Israa’iil iyadoo nidaamka difaaca Yuhuuda uu qaati ka yahay weerarada Xuutiyiinta kuwaasoo marar badan ku fashilmay inay ka hortagaan ganlaada kooxdaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM