QAZA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay milateriga Yuhuuda ayay ku qirteen dil ay dhawaan u geysteen dad samafalayaal ahaa kuwaasoo u dhashay dalka muslimiinta ah ee Falastiin oo ay xasuuq joogta ah ku hayaan.
Yuhuudu waxay ku andacoonayaan in dilka ama duqeynta lagu laayay samafalayaasha inay ahayd fashil xagga xirfadda ah.
Maamulka Israa’iil oo iska dhigaya dad aan isla ogeyn dhacdadaani xasuuqa ahayd ayaa saxaafada u sheegay in qaladku ka dhacay Taliye ku xigeenka qeyb ka mida ciidamada milateriga oo bixiyay warbixin aan dhameystirneyn oo aan sax ahayn.
Sarkaalkaan ayay hada sheegeen inay xilka ka qaadeen madaama uu sabab ah dilka dadkaasi samafalayaasha ahaa oo si qaldan loo bartilmameedsaday sida ay ku doodayan inkastoo ay dunida u cadahay awalba Yuhuudu inay xasuuqa muslimiinta bareer u sameeyaan waliba si jees jees ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM