Kadib, shirar isdaba joog ahaa oo ay wada qaateen madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa hey’adda IMF, kulamadaas oo soo socday tan iyo December 2023-kii markii ay Dowladda Soomaaliya gaartay bar dhamaadka deyn cafinta, ayay hada si rami ah ugu dhawaaqeen gudda sare ee IMF oo warbixin ka helay kooxda qaabilsan arrimaha Soomaaliya, in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha.

Go’aan ka gaba gabada ah ee guddigu soo saaray, waxa uu Dowladda Soomaaliya u ogolaanayaa in si deg deg ah loo siiyo ilaa $10 milyan oo doolar oo taageero u ah horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dib-u-habaynta Maaliyadda.

Hey’adda IMF ayaa saadaalin wanaagsan ka bixisay hiigsiga 2024-ka halka lafilayo in uu gaaro dhaqaala Soomaaliya (GDB) oo ah 3.7 Boqolkiiba, marka loo eego halkii uu taagnaa sanadii tagtay ee 2023-ka oo uu ahaa 2.8. boqolkiiba, Warbixinta IMF ayaa lagu yiri, Soomaaliya waxa ay sii waday in ay horumariso barnaamijyadeeda dib-u-habeynta Maaliyadda oo u ahaa ajande xoogan oo mudnaan gaar ah lasiiyay, sidoo kale, waxaa xooga la saaray joogteynta qorshayaasha horumarinta dakhliga iyo maamul wanaaga maaliyadda.
IMF Executive Board Concludes the First Review of the Extended Credit Facility for Somalia
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here