Qaramada Midoobay ayaa diiday qorshaha gargaarka Gaza ee uu Maraykanku taageerayo, iyada oo loo aanaynayo dhexdhexaadnimo
Qaramada Midoobay waxay ku nuuxnuuxsatay u hoggaansanaanta mabaadi’da dhexdhexaadnimada iyo madaxbannaanida bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee nafaha lagu badbaadinayo Gaza.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka bini’aadantinimo ee uu Mareykanku ku taageerayo Gaza, sababtoo ah ma ahan mid dhexdhexaad ah, ama madax bannaan, sida ay Israa’iil ballan-qaadday in ay fududeyn doonto dadaalka iyada oo aan ku lug lahayn bixinta gargaarka.
“Qorshahan gaarka ah ee qaybinta ma waafaqsana mabaadi’da aasaasiga ah, oo ay ku jiraan kuwa dhexdhexaadnimada, madax-bannaanida, ka qaybgeli mayno arrintan,” ayuu yiri ku xigeenka Af-hayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq
Hay’adda gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza ee uu Maraykanku taageero ayaa shaqada Gaza ka bilaabi doonta dhamaadka bisha May iyada oo hoos imanaysa qorshe gargaar oo si weyn loo dhaleeceeyay kaas oo madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Tom Fletcher uu ku tilmaamay kula-gal rabshado dheeraad ah iyo barakicin Falastiiniyiinta Gaza.
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Antalya, Turkiga, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Khamiistii qiray dhaleeceynta, wuxuuna sheegay in Washington ay u furan tahay qorshe kasta oo kale oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka rayidka ah
“Ma nihin kuwo ka difaacaya ama sinaba uga damqan dhibaatada dadka Gaza, waxaana ogahay inay halkan ka jiraan fursado lagu bixiyo gargaar,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio kadib markii uu la hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM