HomeWarkiiAfar sano jir reer Gaza ah oo u dhintay gaajo iyo macaluul

Afar sano jir reer Gaza ah oo u dhintay gaajo iyo macaluul

Maxamed Yaasiin oo afar sano jir ah ayaa u dhintay cunto la’aan iyadoo hay’adda cunnada adduunka ee WFP ay ka digayso in in ka badan 70,000 oo carruur ah oo Gaza ku nool ay soo wajahday heerar nafaqo darro ah.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay dib u eegayaan weerar lagu dilay sagaal ka mid ah 10-ka carruur ah ee Dr Alaa al-Najjar ee Khan Younis iyadoo saraakiisha Gaza ay sheegeen in dilka carruurta aan waxba galabsan ay u noqotay madadaalo askarta Israa’iil.

Israa’iil ayaa kaliya ogolaatay 100 baabuur oo sida gargaar inay galaan Gaza tan iyo arbacadii, mas’uuliyiintu waxay yiraahdeen, qaddar aan meelna u dhowayn waxa loo baahan yahay si loo caawiyo laba milyan oo qof.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 53,901 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 122,593, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii Oktoobar, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -