MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulankii soo dhaweynta halyeeyada Afrika ayaa ku soo dhamaaday si guul ah iyadoo ay ciyaartoyda afrika ay soo bandhigeen ciyaar aad u heersareyay oo dadkii daawanayay ay ka maqsuudeen.
Kulanka wuxuu ku soo dhamaaday Somali Legends 4-8 African Legends , laacibiinta Afika ayaa aad uga banooni fiicnaa xulka Somalia inkastoo dhanka Afrika ay jireen ciyaartoy Soomaaliyeed sida Wasiirka ciyaaraha Somalia oo sedex gool ka dhaliyay Somali Legends.
Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka galabta tagay wuxuuna furey ciyaarta oo lagu maamuusayay halyeeyada Afrika oo kala ah Eto’o, Jay Jay Okacho iyo Adebayor.
Ciidamada Qaranka gaar ahaan Booliiska ayaa galabta si aad u heer sareysay waxay u koontarooleen amniga guud ahaan garoonka iyo waliba martida intaba.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM