Wararka laga helaayo dalka Kuweyt ayaa sheegaya in ajaanib badan ay ku dhinteen xalay dalka Kuweyt kadib dab xooggan oo ka ka kacay guryo dabaqyo ah oo ay daganaayeen.

Sida ay sheegtay idaacada VOA-d ugu yaraan 49 ruux ayaa dhimatay kuwaasoo u badan dad ajaanib sida India oo kale kuwaasoo loo maleynayo inay shaqaale ka ahaayeen ganacsi lagu hayay dhismayasha gubtay.

Advertisement

sidoo kale dad badan ayaa ku dhaawacmay dabka waxaana ka hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait Sheekh Fahad Yuusuf Sacuud Al-Sabaax.

Sheekh Fahad Yuusuf wuxuu ku eedeeyay  ganacsatada inay masuul ka yihiin khasaaraha nafeed ee ka dhashay dabkaasi,wuxuu ku dhaliilay inay ganacsatada leh dhismayaasha gubtay ay geystaan xad-gudubyo ay ku yimaadaan falalkaan oo kale.

“qaabka ay u dhaqmaan milkiilayaasha hantida ma-guurtada ah  iyo damacodaba waa waxa keenaya dhacdooyinka nuucaan oo kale ah”ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait

Isbitaalada la dhigay dadka dhaawacmay waxaa u badan dad u dhashay dalka India waxaana booqday safiirka dalka India ee Kuweyt si uu u soo arko dhibka gaaray.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here