BALCAD (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay wadada u galeen gaadiid xamuul ah oo dad shacaba wateen iyagoona mid ka mida dab qabadsiiyay.

Kooxda Alshabaab ayaa falkaani ku fulisay gaari xamuul ah oo dad shacaba wateen kaasoo marayay nawaaxiga Tuulada Gola-leey oo ku taal inta u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Advertisement

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaarigaasi ay bar tilmaameedsadeen ay aaminsan yihiin inuu qalab u waday Maamulka Hirshaballe sidaas ay u gubeen.

Gaariga la gubey wuxuu ka yimid dhanka Magaalada Muqdisho ,wuxuuna ku sii jeeday Magaalada Jowhar , mana jirto wax ka badbaaday gaariga iyo agabkii saarnaa intaba waa isla bas beelee.

Dhanka kale ma jirto wax khasaare nafeed ah oo la soo sheegay ,sidoo kale ma jirto wax masuuliyiin Dowladeed ama mid maamul oo ka hadlay dhacdadaani.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here