MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Macawisleyda Beesha Xawaadle ayaa la soo sheegayaa inay weerar kadis ah ku qaadeen Dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan oo isku urursanayay deegaan ku yaal xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Sarkaal u hadlay Macawisleyda Xawaadle ayaa saxaafada u sheegay halka ay alshabaab ugu tageen ay tahay meel u dhexeysa deegaanada Tawakal iyo Mubaax , wuxuu tilmaamay inay dhimasho iyo dhaawacba gaarsiiyeen Alshabaab Islamarkaana ay aagaasi ka eryeen.
Sarkaalkaan wuxuu intaasi ku daray inay ka soo hareen markii ay firxadkooda u carareen dhanka Degmada Aadan Yabaal.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay sarkaalku dagaalamayaaasha Alshabaab ay ka dileen ayuu sheegay inay maqleen inay meydadkii ku aaseen degmada aadan yabaal halka kuwii dhaawaca ahaa sidaas oo kale ay gaasiisteen isla degmada adan yabaaa.
“weerarka anagaa qaadnay markii ay helnay xogta halka ay isku ururanayeen waxaana gaarsiinay dhimasho iyo dhaawacba”ayuu yiri sarkaalkaasi.
Macawisleyda Beesha Xawaadle ayaa lagu yaqaan weeraro joogto ah oo ay Alshabaab kaga hortagaan in iyaga la soo weeraro waana farsamada ay dheer yihiin macawisleyda beelaha kale ee Soomaaliyeed taasina waxay aad u yareysay inaad maqasho Alshabaab weeraraya macawisley xawaadle.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM