Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan deegaanka Burujaad ee gobolka Bay ayaa maanta waxaa isu soo dhiibay Buubaay Ganuun Salaad, oo muddo dheer ka tirsanaa horjoogayaasha Khawaarijta.
Buubaay, markii uu isu soo dhiibay Ciidanka, wuxuu watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa, wuxuuna sheegay inuusan u dulqaadan karin dhibaatada ay saaxiibadiis ku heysato duurka iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka iyo shacabka ay horay u dhibaateyn jireen.






