HomeCiyaarahaArsenal oo heshiis waalli ah usoo bandhigtay Viktor Gyokeres

Arsenal oo heshiis waalli ah usoo bandhigtay Viktor Gyokeres

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Arsenal ayaa sii wada dadaallada ay ugu jiraan inay la saxiixdaan weeraryahanka Sporting ee Viktor Gyokeres, sida uu sheegay suxufiga Talyaaniga ah Nicolo Schira.

Weeraryahanka 26-jirka ah ee u dhashay dalka Iswidhan ayaa weli ah bartilmaameedka ugu weyn ee weerarka Gunners xagaagan. Wadahadallo ayaa socda oo u dhexeeya Arsenal iyo wakiillada ciyaaryahanka, iyadoo kooxda Ingiriisku ay horay u soo bandhigtay heshiis soconaya illaa sanadka 2030.

Sporting waxay dalbanayaan €65 milyan oo euro si ay u fasaxaan Gyokeres, kaasoo xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay Portugal, isagoo dhaliyay 54 gool isla markaana caawiye ka noqday 12 kale, dhammaan 52 kulan oo uu u saftay Sporting tartamada oo dhan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -