MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Askari ka tiran ciidamada Dowlada Somalia ayaa goor dhaw ku toogtay Isgoyska Zope ee Muqdisho ciyaaryahan ka tirsanaa shaqaalaha Astaan TV kaasoo watay Motada labada lugood leh ee loo yaqaan Fekon.
Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay C/fataax Cabdi Osman (Carab) ayaa ahaa ciyaartoy hore ugu soo ciyaaray kooxda MCC ee kubada cagta heerka 1aad balse hada wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha Astaan.
Askariga gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegay inuu waardiye ka ahaa halka loo yaqaan Safari Apartments oo loo maleynayo inay degan yihiin masuuliyiin Dowlada ka tirsan kaasoo muran dhexmaray kadib la sheegay inuu dhabarka ka toogtay,warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wadadaasi aan loo ogoleyn mootooyinka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in halka lagu dilay C/fataax Carab oo ah nawaaxiga Masaajidka Cumar Bin Khadaab ee ku yaal laami yaraha Zope inay tahay goob ciidamada jooga inta badan laga sheegtay dilalka ay geystaan darteed.
Sidoo kale C/fataax Carab wuxuu u soo ciyaaray kooxaha Saxafi iyo xulk qaranka Soomaaliya,Hay’adaha amaanka ayaa lagu wadaa inay gacan ku dhiiglaha gacanta ku soo dhigaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM