Guddiga Sare ee Bangiga Adduunka ayaa qalinka ku duugay in Soomaaliya la siiyo $75 Milyan oo Doollar si lacagtaas ay gacan uga geysato koboca awoodda hay’adaha Dowliga ah sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Bangiga Adduunka.

Lacagtaan ayay sugeysay Dowladda Federaalka si ay wax ugu qabsato kaddib markii Dowladdu ay ku guuleysatay nidaamka dib u habaynta Maaliyadda & Dhaqaalaha Dalka oo qayb ka ah shuruudaha la hordhigay si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

Advertisement

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay raacday dhabbaha wanaagsan ee lagu gaarayo deyn cafinta una baahan tahay in lagu garabsiiyo si ay uga gungaarto hiigsigeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay tallaabadaan oo waxa ay ku tilmaamtay mid lagu soo beegay waqti ku habboon oo Dowladdu u xusul-duubeysa dhammeystirka shuruudaha deyn cafinta.

Xukuumadda Federaalka, Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka & hay’ado kala duwan ayaa ka shaqeynaya sidii loo gaari lahaa toolka Soomaaliya ee ah in mustaqbalka dhow laga cafiyo Deynta waqtiga dheer lagu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here