NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Jimcihi  shalay waxaa kulan muhiim ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyadoona laga hadlay qadiyada Falastiin.

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxah taageeray, dalab ka yimid Dowlada Falastiin taasoo ah inay xubin buuxda ka noqdaan  Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.

Advertisement

Shirka ayaa intii uu socday waxaa codkooda dhiibtay 193 Dal oo xubin ka ah Golaha guud ee QM ,waxaana Haa ugu codeysay 143 dal, waxaa ka aamusay 25  Dal halka 9 dalna diideen sida Mareykanka iyo Yuhuuda.

Sidoo kale  Golaha guud wuxu  kula taliyay Golaha Ammaanka inuu arrintan si wanaagsan dib ugu eego.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Qaraarkan aysan Falastiin siineyn aqoonsiga xubinnimada ee Qaramada Midoobay ilaa iyo inta uu ka ogolaanayo Golaha amaanka Qaramada Midoobe.

Dhanka kale Qaraarkaan  la ansixiyay wuxuu Falastiin siinayaa xuquuqo dheeraad ah oo hore aysan u heysan sida kursi ay ku yeelan doonaan hoolka golaha guud ee Qaramada Midoobe.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here