DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Amniga Dowlada Faderaalka Soomaaliya sareeye guuto C/llaahi Sh. ismaaciil Farataag ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug wuxuu ka daah-furey saldhiga Boliiska Magaaladaasi oo dib u dayac tirey lagu sameeyay.

Munaasabada xarig jarka waxaa wasiirka Amniga Somalia ku soo dhaweeyay Wasiirka arimaha gudaha Maamul Goboleedka Galmudug maxamed Cabdi Aadan ,sidoo kale waxaa munaasabada ku sugnaa Taliye ku xigeenka Boliiska Somalia S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi maxamed kaniif.
Dhismaha Saldhigan Boliiska oo ay hirgalisay Dowladda Galmudug ayaa loo dhisay si casri ah waxaana gacan ka gaystay dhismaha Hay’ado Caalami ah.
Wasiir Farataag ayaa hadalo uu ka jeedinayay munaasabada wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay xarig jarka saldhiga isagoona ku amaanay Magaalada Dhuusa-mareeb inay ka mid tahay meelaha Somalia lagu yaqaan horumarka iyo dib u xoreynta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 8 peopleMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 8 people, people smiling and suitNo photo description available.No photo description available.No photo description available.May be an image of 12 people and textMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 9 people and textNo photo description available.No photo description available.May be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person, smiling, glasses, hospital and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 1 personMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here