MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa digniin u direy dhalinyarada baraha bulshada caanka ka ah kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay ka waday socila media arimo kicin bulsho ah.
“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee kunool Caasimada in ay ka fogaadaan baanaanbaxyada rabshadaha huwan iyo ka hadlida arimaha uu ka dhalankaro fal damiyeeydka”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliiska.
Warka Booliiska ayaa yimid kadib markii ciidanka Saldhiga Degmada Hodan ee Muqdisho ay soo xireen eedeysane lagu magacaabo Liiban Khaliif Abtidoon kaasoo ku eedeysan inuu ku kacay fal lidi ku ah Amniga iyo kicin bulsho.
Liibaan ayaa dhawaan ka soo muuqday baraha bulshada isagoo magaca reerkiisa sheeganaya islamarkaana arimo qabiil kicin ku hadlaya xili uu ka hadlayay arinta Sayid Cali oo dhawaan dil toogasho ah lagu xukumay markii lagu soo eedeeyay inuu xaaskiisa gubay kadibna u dhimatay.
Sidoo kale digniintaan ayaa daba socota kadib markii shalay la xirey in ka badan 20 ruux oo gabdho u badan kuwaasoo caanka ah baraha bulshada gaar ahaan Tiktok,waxaa loo heystaa kicin bulsho.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here