Wasiirka gaadiidka Turkiga Abdulkadir Uraloglu ayaa war uu shaaciyay wuxuu ku muujiyay shaki ah in shilkii diyaaradeed uu ku dhintay Madaxweynihii Iiran uu ahaa shir laga danbeeyay.

Shakiga Dowlada Turkiga ayaa yimid markii ay shalay Drones u direen si ay u helaan burburka helikobtarka balse warbixinadii ay soo urursheen ayaa waxaa ku jirtay in diyaarada laga damiyay alabkeeda jiheynta  amaba aysanba lahayn markii hore helikobtarka siday madaxweynihii Iran

Advertisement

“Diyaaradda lama shidin qalabkeeda jiheynta ama ma laheyn qalab noocaas oo kale ah” ayuu yiri Wasiirka gaadiidka Turkey

Wasiirka wuxuu warbaahinta u sheegay in Turkigu leeyahay xarun baarista degdegga ee shilalka duulista.

Sida ay sheegtay Idaacada BBC Somalia madax ka tirsan Turkida ayaa laga soo xigtay in taleefoon ka heleen Iran xalay kaas oo lagu dalbanayay in laga caawiyo helista diyaaradda.

Turkida waxay cadeeyeen in markiiba bilaabeen hubin sida ay horaba u sameyn jireen balse waxay xuseen inay waayeen wax signal ah waana mida keentay shakiga ay mujiyeen turkida.

Kooxda baarista Turkida waxay cadeeyeen laba arin midood in masuuliyiintii diyaarada ku geeriyooday ogeyn hadii ay helikobtarka laheyd qalabkaas ama in kas loo damiyay xili Dowlada Iran hada ku jirto baaris arintaan ku saabsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here