MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa maanta la soo taagay eedeysane lagu magacaabo Cali Xuseen Isaaq kaasoo loo heysto la shaqeynta kooxda alshabaab.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyeen Cali Xuseen Isaaq in Acount uu leeyahay ay Alshabaab isticmaaleen islamarkaana kala baxeen lacag ku dhaw Nus milyan Doolar.

Advertisement

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen inuu ku lug leeyahay dhaqida lacagaha doolarka ee sharci darada ah.

Cali Xuseen Isaaq oo ah nin odey ah ayaa beeniyay oo iska diiday inuu wax shaqo ah ku leeyahay eeda loo jeediyay markii gudoomiyuhu hor dhigay sedexda su’aal ee ugu horeysa kuwaasoo kala ah eeda lagu soo jeediyay ma gashay, ma gelin.mise dood sharci ayaad ka qabtaa.

“Aniga waxaan ahay nin odey ah oo darawal ah, ma  aqaan sida loo dhaqo lacagaha, shaqana kuma lihi eedaha la iisoo jeediyay”ayuu yiri eedeysnaha.

Abuukaatayaasha labada dhinac ayaa maxkamada ka hadleen iyadoo dhanka Dowlada midka ka socda oo soo bandhigay sawir iyo qoraalo uu ku sheegay inay cadeyn u tahay eeda loo jeediyay Cali Xuseen Isaaq.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamud ayaa ku dhawaaqay xukunka wuxuuna sheegay in Odey Cali lagu helay la shaqeynta Alshabaab ee dhanka dhaqaale u ururinta iyo waliba mida lacag dhaqista sidaas daraadeedna lagu xukumay 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed 3-kun doolar.

Gudoomiyaha wuxuu intaasi ku daray in xukunka cidii aan ku qanacsaneyn ay racfaan ka qaadan karto.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here