Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Shir Gudoomiyaya Shirka Amniga Dalka Gaar ahaan Caasimada oo Mudooyinkii Dambe Wanagsanaa Amnigeeda,

Ugu Horeetii Mar Marka uu Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu tagay Gugsiga Taba barka S/Guuto Kaahiye waxa uu salaan kavqaatay Cutubyo Katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,

Advertisement

Shirka Waxaa oo ka dhacay S/Guuto Kaahiye Goob Joog ahaa Taliye Xigeenka Ciidanka Boliisaka Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed Kaniif Saraakiisha Hogaanada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyee,

Inta uu shirka Socday Taliyaha Ciidanka Waxa uu warbixino laxiriira amniga wax ka weydiiyay sharaakiisha qaabilsan amniga waxa ayna taliyaha uga warbixiyeen Xalada Guud ee amniga Caasimada iyo Dadaalada lagu xaqiijinayo amniga,

S/Guuto Sulub Axmed Firin Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa faray Dhamaan Saraakiisha Amniga in ay Dar dargaliyaan Xaqiijinta Amniga iyo ka hortada Kataraha Kooxada Khawaarta,

Mahadsanidiin.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here