Agasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Somaliya Mudane Bashiir Macallim Cali ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay sii-hayaha Safaaradda Shiinaha Ee Soomaaliya Mudane Chen Wendi.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo joogteynta taageerada dhinacyada horumarinta arrimaha Gaadiidka, waddooyinka iyo duulista rayidka, joogteynta tababaradda, tayeynta iyo sare u qaadista khibradda shaqaalaha.

Agasime Bashiir ayaa uga mahad celiyey Safaaradda Shiinaha 23 kamid ah shaqaalaha Wasaaradda, oo ay 10kii October, 2023 sanadkii hore ay u qaaday tababar ku saabsan arrimaha Gaadiidka, technology-adda iyo horumarinta waddooyinka iyo sidoo kale taareegarada joogtadaha oo ay ku bixiso Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Advertisement
kulanka Agasimaha iyo Safiirka Waxa ku waheliyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Iyo Agasimaha Shaqaalaha Iyo Tababarada Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada.
May be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 personMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person, beard and suitMay be an image of 1 person and studyingMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 2 people and suit
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here