Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dalka Baxrayn kaga qeyb galaya Meertada 33-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS iyo Madaxweynaha Jabuuti, ayaa diiradda lagu saaray, Xariirka iyo iskaashiga labada dal, arrimaha amniga gobolka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu kulan doceed kula yeeshay magaalada Manama ee dalka Baxrayn, Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Axmed Cabdallah Al-Ahmad Al-Sabaax.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga ku saleysan walaaltinimada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait.
May be an image of 2 people, dais and text
May be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here