War ka soo baxay dhanka Maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowlada Somalia gaar ahaan wasaarada Awqaafta iyo arimaha diinta ineysan si cadaalada u qeybin tirada xujeyda sanadkaan soo gudaneysan acmasha Xajka xili diyaaradii sedexaad oo sida xujey Somaliyed ay gaartay dalka Sacuudiga.

Warka Maamul Goboleedka Puntland waxaa loo dhigay in dowladda dhexe ay siyaasadeynayso arrimaha Xajka.

Advertisement

“Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan soo xajinaysa si caddaalad ah looguma qeybin gobollada dalka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha  diinta Puntland

Haddaba Wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka  Somalia ayaa beenisay warka Puntland waxayna Dowladu xustay inaysan jirin wax cabasho ah oo uga yimid dhanka Puntland.

“ma jirto wax cabasho rasmi ah oo naga soo gaaray Dowlad Goboleedka Puntland”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dhanka wasaarada diinta iyo awqaafta ee Federeaalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here