BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Magaalada Baydhaba oo ah Xarunta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur-Galbeed ayaa waxaa ka furmay maanta shir u dhexeeya Dowlada Soomaaliyeed iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirkaan ayaa ah mid  looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha kaasoo si gaar ah ugu furmay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada dalka.

Advertisement

Shirkaan wuxuu yahay ujeedkiisa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyada ee Dowlad Goboleedyada xili shaqaalaha tababarna loogu sameeyay kulankaani.

Sidoo kale shirka iyo tababarkaba waxaa looga danleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada shaqaalaha maaliyada ee dalka.

Agaasimaha wasaarada maaliyada ee Maamulka Koonfur-Galbeed oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa soo jeediyay daqliga dhaqaalaha kor loo qaado si loo buuxiyo boosaska banaanaan doona.

Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo siyaasada ee Wasaarada Maaliyada Somalia ayaa isna sheegay in ujeedka shirka uu yahay in Somalia isku filnaato sida inaan caalamka kaga maarano warbixin oo dhan sida mida maaliyada,dhaqaalaha iyo wax kasta.

Masuuliyiinta waxay xuseen in tababarkaani shaqaalaha la siiyay uu sii socon doono ilaa maamulada dhan la gaarsiiyo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here