Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa Hargeysa kula kulmay ku xigeenka ergeyga xog-hayaha Qaramada Midoobe hadaba wixii ay ka wada hadleen ka akhriso warbixintaan oo aan ka soo xiganay TV-ga Maamulka Somaliland:-
Hargeysa-23-05-2024-()- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu-duwaha Gargaarka bini’aadantinimada, Mr. George Conway oo ay wehelinayeen madaxda ugu sareeya toban Hay’addood oo Qaramada Midoobay ka tirsan.
Kulankan oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaalmada ay hay’adaha qaramada midoobay ka taageeraan Somaliland iyo dardar-gelinta iskaashiga wada shaqayneed gaar ahaan dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee sannadkan qorshaysan, si waafaqsan shuruucda dalka Somaliland iyo ta caalamiga ahba.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxu ku booriyey madaxda Wasaaradaha kala duwan ee dalka iyo hay’adaha Qaramada midoobay inay kuwada shaqeeyaan isfahan iyo shuruucda dalka u dejisan.
Waxaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaraddaha Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska mudane Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor); Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno); Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif); Gudoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Agaasinaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Axmed Abokor Maxamed.
Dhinaca weftigana waxa ku wehelinayey Ku-xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay, Mr. Crispen Rukasha Wakiilka OCHA, Mr.Ruger Kahwa, Madaxa Xafiiska OCHA, Mr. Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF, Mr. El-Khidir Daloum Mahmoud, Wakiilka WFP, Mr. Frantz Celestin, Madaxa IOM, Mr. Charles Mballa, Wakiilka UNHCR, Mr. Abdoul Karim Bah, Madaxa Xafiiska FAO, Ms. Anna Maria Adhikari, Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG/RC/HC, Mr. Nikolai Rogosaroff madaxa UNSOM iyo Abdi Askar oo ka socda Xafiiska Hargeysa.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
May be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people, the Oval Office, newsroom and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and newsroomMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people, the Oval Office, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here