Taliska Booliiska Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ka hadlay weerar gaadmo ahaa oo kooxda Alshabaab xalay ku qaadeen Degmada Bardaale xili uiu ku sugnaa wasiirka amniga Koonfur Galbeed.

Weerarkaan oo ay ku dhaawacmeen sedex askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Somaliya ayaa Booliiska Gobolka Bay shaaciyeen in la iska caabiyay.

Advertisement

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Baay ayaa saxaafada la wadaagay inay hayeen xogta weeraraakasi sidaas daraadeedna la iska caabiyay kooxda Alshabaab,islamarkaana aysan jirin wax khasaare dhimasho ah oo dhankooda soo gaaray.

“hada waxaan ku raad joognaa inaan maleeshiyaadka alshabaab ee weerarka xalay soo qaaday ugu tagno halka ay duulaanka nooga soo qaadeen”ayuu yiri Taliyaha qeybta booliiska gobolka Baay

Dhanka kale lama oga in weerarka Alshabaab uu ahaa qorshe ay ku doonayeen inay ku weeraraan ama ku dilaan wasiirka Amniga Maamulka Koonfur-Galbeed oo Bardaale shalay u tagay suu wax uga qabto isbaarooyin la sheegay in halkaasi gaadiidka lacago looga qaato.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here