XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Barcelona ayaa go’aansatay in aysan iibin Dani Olmo xagaagan, sida uu sheegayo Diario Sport.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain ayaa dhawaan lala xiriiriyay Manchester City, kuwaasoo u arkayay beddelka suurtagalka ah ee Kevin De Bruyne, balse Barcelona kama fekerayso inay fasaxdo.
Agaasimaha ciyaaraha Barca, Deco, ayaa sheegay:
“Dani wuxuu noqon doonaa mid aad muhiim ugu ah kooxda xilli ciyaareedka dambe. Waan ogayn waxa uu nagu soo kordhin karo.”
Dani Olmo laftiisa ayaa lagu soo waramayaa inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Camp Nou, islamarkaana uu rajeynayo xilli ciyaareedka soo socda.
Go’aanka Barca ayaa si buuxda u xaqiijinaya in Olmo yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah mustaqbalka kooxda.