BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Taliska Booliiska Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu shaaciyay inay qabteen dhalinyaro rabtay inay dooman ka raacaan Magaalada xeebeedka Boosaaso ee Gobolka Bari kuwaasoo u sii tahriibayay dalal shisheeye.
Sarkaal u hadlay Booliiska ayaa sheegay inay 3 ruux qabteen kuwaasoo ahaa gabdho yar yar oo ka kala yimid Qardho iyo Garowe waxaana ay doonka raaci rabeen Boosaaso.
Sarkaalkaan wuxuu xusay inay ka hor tagi doonaan falalka tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa marin habaabinaya intaba.
Maaha markii ugu horeysay oo Booliiska Puntland qabtaan kana hortagaan dhalinyaro dooneysa inay naftooda ku biimeyaan badda xili lacago waliba looga sii qaadanayo islamarkaana laga dhaadhiciyay inay nolol wanaagsan ka heli doonaan yurub waaba hadii ay bada ka bad-baadaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM