MUQDISHO (DAYNIILE.CO)-War maanta ka soo baxay Taliska Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay inay soo qabteen eedeysane lagu magacaabo Yaxye Xasan Maxamed (Malaariye)22 jir ah, kuna eedeysan in uu ku kacay falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.
Edeysanahaan waxaa si gaara u soo qabtay Ciidamada Saldhiga Booliiska Degmada Hodan waxaana lagu wadaa in dhawaan  la hor geeyo hay’adaha garsoorka Dowlada Faderalka Soomaaliya.
Ciidamada Booliiska ayaa maalmihii u dambeeyay waxay soo qabteen ku dhawaad 40 ruux oo badankood baraha bulshada ka waday falal kicin bulsho ah iyo kuwao anshax xumo waday.
Sida Masuuliyiinta Booliisku shegeen dadkaan intooda ugu badan kaliya waxaa laga rabaa inay ka jawaabaan wixii ay baraha ka sheegeen ee qabyaalada u badnaa si loola xisaabtamo qaladaadkooda islamarkaana kuwa kalana ugu waana qaataan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people, people smiling and text that says "ALD AL IIK"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here