Magaalada Jawiil ee bartamaha Gobolka Hiiraan waxaa maanta mar kale lagu soo bandhigay Boqolaal Ciidamada Macawisleyda ah kuwasoo u dhashay Beesha Ueejeen.
Ciidamadan oo sidaan oo kale shalay loo soo bandhigay ayaa manta lagu wareejiyay Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle si ay uga qeyb qaataan dagaalada looga soo horjeedo Alshabaab.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abuukaate,Wasiirka ari maha gudaha Hirshabeelleiyo saraakiil Ciidan sida Col.Cali Xaashi iyo Col.Baakaay ayaa ka hadleen munaasabada ciidamadaan loogu wareejinaayay Dowlada Soomaaliya .
Col.Maxamed Xasan Baakaay oo ah taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Hiiraan ka howlgala ayaa lagu wareejiyay Ciidamadaan oo lagu wado inay dagaalada ka qeybqaataan.
Ciidamadaan waxay si gaar ah uga qeybgeli doonan dagaalada Gobolka Hiiraan ee u dhexeeya Dowlada iyo Alshabaab madaama ay gobolkaasi ka soo jeedaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM