Home Blog Page 5

Sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga oo lagu dilay Balad-xaawo

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Gobolka Geddo ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland gaar ahaana Magaalada Balad-xaawo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga Dalka oo lagu magacaabi jirey Indha-buur Axmed Diiriye.

Kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa dilay sida wararka qaar sheegayaan wayna ka baxsadeen goobta markii ay dilka fuliyee.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in koxaha dilka fuliyay ay xirnaayeen dareyska ciidamada Xooga dalka,waxaana socda baaritaano la xiriira kiiskaasi mar hadii tuhumana ay jiraan.

Dilka sarkaalkaan ciidamada Milateriga Somalia ka tirsanaa ayaa ku soo aaday xili xiisad ay ka taagan magaaladaasi taasoo u dhexeysa ciidamada Faderaalka iyo kuwa Maamulka Jubaland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Alshabaab oo Saaka madaafiic ku garaaceen xerada Xalane

Tira madaafiic nuuca hoobiyaha loo yaqaan ayay Kooxda Alshabaab waxay saaka a eegteen xerada xalane ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka degan yihiin hay’adaha shisheeye sida Qaramada Midoobe iyo safaaradaha dalaka rer galbeedka.

Hoobiyayaashaan oo ahaa ilaa baaooto ayaa la soo warinayaa inay gudaha xalane ku dhaceen inkastoo aan laga heyn ogta khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.

Mid ka mid ah madaafiida ayaa ku dhacay nawaaxiga mafcon oo ah xarun muhiim u ah shqaalaha qaramada midoobe.

Kooxda Alshabaab oo weerarka ka dib sheegatay inay iyaga ka dambeeyaan ayaan warkooda ku darin hadii ay jirto khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada oo ka hadashay Howlgalo dhul iyo cir ah oo ka dhan ah kooxda Alshabaab

Af-hayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Somalia Sheekh Abuukar ayaa ka war bixiyay howlgalo dhulka iyo cirka isugu jira oo ka dhan ah kooxda Alshabaab kuwaasoo dhamaantood ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe.

Sheekh Abuukar wuxuu sheegay in ciidamada Xooga oo kaashanaya kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanka Tawakal oo ku dhaw Degmada Aadan Yabaal halkaasoo sida uu sheegay ay isku urursanayeen kooxda Alshabaab.

Sarkaalkaan wuxuu sheegay in weerarkaasi jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalamayaashii Alshabaab ka tirsanaa.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay duqeyn dhanka cirka ah oo laga fuliyay deegaanka sumadaale ayuu sheegay in lagu dilay ilaa 60 ka tirsanaa kooxda alshabaab,afhayeenka wuxuu intaasi ku daray in dadka deegaanku ay la wadaageen tiradaasi oo ah khasaaraha soo gaaray alshabaab .

Deegaanka Towfiiq oo ku dhaw Degmada Masaajid Cali Gaduud duqeyn iyadana lala eegtay ayuu Afhayeenku soo hadal qaaday ,wuxuuna sheegay in lagu dhameeyay intii ka soo hartay firxadka alshabaabii ka soo cararay deegaanka Wargaadh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Liverpool oo garaacday Tottenham kuna guuleysatay Horyaalka Premier League

XIGASHO LAACIB.NET

Liverpool ayaa gaartay guul weyn kadib markii ay 5-1 ku xasuuqeen Tottenham Hotspur kulankii 34-aad ee horyaalka Premier League ee ka dhacay garoonka Anfield.

Tottenham ayaa hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 12aad markii Dominic Solanke uu dhaliyay goolka koowaad, balse Liverpool ayaa si degdeg ah uga jawaabtay iyadoo Luis Díaz uu goolka barbaraha keenay daqiiqaddii 16aad.

Mac Allister ayaa u dhaliyay Liverpool goolkii labaad daqiiqaddii 24aad, halka Cody Gakpo uu dhaliyay goolkii saddexaad daqiiqaddii 34aad ee qeybtii hore.

Daqiiqaddii 63aad ee ciyaarta, Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka afraad ee Liverpool, waxaana Udogie si kama’ ah isaga dhaliyay goolkii shanaad ee Tottenham daqiiqaddii 69aad.

Guushan ayaa Liverpool u korodhsatay dhibcaha ilaa 82, iyagoo si rasmi ah ugu guuleystay horyaalka Premier League, halka Tottenham ay kusii jirto kaalinta 16aad iyadoo leh 37 dhibcood.

Liverpool Oo Garaacday Tottenham Kuna Guuleysatay Horyaalka Premier League

Muxuu Mohamed Salah ka yiri hanashada Liverpool ee Premier League xilli ciyaareedkaan

XIGASHO LAACIB.NET

‘Waa maxay awooddayda’ – Mohamed Salah oo ka hadlay saameynta ‘layaabka leh’ ee uu ku yeeshay guusha Liverpool, xiddiga Masarna qirtay in hanashada Premier League ee xilli ciyaareed kaan ay “ka sii duwan tahay” sidii uu ula guuleystay horyaalkii hore Jurgen Klopp.

Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday sababta ay hanashada horyaalka Premier League ee 2024-25 ugu gaar tahay marka loo barbardhigo guushii hore ee ay la gaareen tababarihii hore ee kooxda.

Salah ayaa sidoo kale ahaa xiddig muhiim ah markii Liverpool ay 2020 qaaday horyaalkeedii ugu horreeyay muddo 30 sano ah, balse wuxuu qirtay in uu dareemayo in guusha sanadkan ay ka macno badan tahay tii hore, isagoo sheegay in la qabsashada tababare cusub iyo koox cusub ay muujinayso qiimaha uu leeyahay Anfield.

Salah ayaa BBC Sport u sheegay:

“Waa wax layaab leh. Inaan horyaalka ku guuleysto iyo saameynta aan yeeshayba waa wax aan la rumaysan karin. Aniga ahaan, horyaalkaan wuxuu ahaa dareen gaar ah. Jurgen [Klopp] muusan joogi , ciyaartooy kale oo aan si weyn u ixtiraamo ma joogin, balse inaan guuleysanay iyadoo tababare cusub iyo koox cusub nala joogaan waxay muujinaysaa waxa aan awoodno.”Muxuu Mohamed Salah Ka Yiri Hanashada Liverpool Ee Premier League Ee Xilli Ciyaareed Kaan

FASHIL: Guardiola oo cadho ka muujiyay hanashada Premier League ee Liverpool

XIGASHO LAACIB.NET

Pep Guardiola ayaa sheegay in Manchester City aysan gabi ahaanba ku faraxsaneyn xilli ciyaareedkooda inkastoo ay garaaceen Nottingham Forest si ay u gaaraan final-ka FA Cup.

City ayaa si raaxo leh 2-0 ugu garaacday Forest garoonka Wembley, iyagoo xaqiijistay inay gaaraan final-kii FA Cup ee saddexaad oo xiriir ah, taasoo ka dhigeysa kooxdii lixaad ee taariikhda sameysa sidaas. Laakiin tababaraha ayaa wali ka fogaa inuu ku qanacsan yahay ololaha kooxdiisa, maadaama Liverpool ay si rasmi ah uga guuleysteen horyaalka Premier League iyagoo 5-1 ku garaacay Tottenham Axaddii.

City ayaa 21 dhibcood ka dambeeysa Liverpool iyadoo 4 ciyaarood oo kaliya ka harsan tahay xilli ciyaareedka, waxayna u muuqataa inay dhammaystiri doonaan xilli ciyaareedkooda iyagoo leh dhibcaha ugu hooseeya tan iyo markii Guardiola uu tababare ka noqday 2016. Waxa kale oo ay ku fashilmeen inay gaaraan 16-ka kooxood ee ugu dambeeya ee Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2012, kadib markii Real Madrid ay 6-3 ku garaaceen ciyaartii wareega 16-ka, iyadoo ay ka dhigeen 22-aad 36 kooxood, iyagoo kaliya guuleystay saddex kulan.

“Dhabtii Xilli ciyaareedkaan ma fiicna,” Guardiola ayaa u sheegay warbaahinta. “Waxaan ka dambeeynaa Liverpool kun milyan oo dhibcood. Taasi ma fiicna. Eeg Champions League. Waxaan guuleysannay hal kulan? Ama Laba kulan? Waxaanu markasta ahaan jirnay mishiin, laakiin hadda ma fiicna xaalkeenna, laakiin waxyeellada aan laheen ayaa yaraatay. Naadigu waa inay qaataan go’aan sax ah si xilli ciyaareedka soo socda uu u fiicnaado.”FASHIL: Guardiola Oo Cadho Ka Muujiyay Hanashada Premier League Ee Liverpool

DEG-DEG: Vinicius Jr oo si cad u kashifay wixii kasoo baxay wadahadalladii heshiiska cusub ee uu la furay Real Madrid

XIGASHO LAACIB.NET

Mustaqbalka xiddiga Real Madrid, Vinicius Jr, ayaa wali ku jira shaki, iyadoo ay jirto xan ku saabsan inuu ka tagayo kooxda, iyadoo lala xidhiidhinayo kooxo ka ciyaara horyaalka Sucuudiga.

Warar dhowaan soo baxay ayaa sheegayey in Vinicius Jr uu ku dhowyahay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Los Blancos. Si kastaba ha ahaatee, wakiilada xiddiga ayaa si cad u beeniyay wararkaasi, iyagoo sheegay inaysan jirin wax heshiis cusub ah oo la saxiixay.

Vinicius Jr, oo ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan kooxda Real Madrid tan iyo markii uu ku soo biiray, ayaa ku guuleystay abaalmarino badan oo ay ka mid yihiin horyaalka La Liga iyo Champions League. Guulihii uu gaadhay ayaa muujinaya muhiimaddiisa kooxda, iyadoo wakiilkiisa uu diiday inuu ka hadlo mustaqbalka xiddiga ama wax wada hadal ah oo ku saabsan heshiis cusub.

Xiddiga reer Brazil ayaa weli leh mustaqbal ifaya oo kooxda, iyadoo Real Madrid ay xilligan u muuqato inay si joogto ah ugu dadaalayaan inay xoojiyaan awoodda kooxda.

Ma jiraan wax war ah oo ku saabsan kooxaha Vinicius Jr lala xiriirinayo, waxaana la filayaa in go’aanka mustaqbalkiisa uu sii ahaado  mid xiiso leh oo indhaha lagu wada hayo.

DEG-DEG: Vinicius Jr Oo Si Cad U Kashifay Wixii Kasoo Baxay Wadahadalladii Heshiiska Cusub Ee Uu La Furay Real Madrid

Wiilka uu dhalay Madaxweyne Xasan oo xil ciidan loo magacaabay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xassan Sheekh ayaa wiilkiisa u magacaabay Taliyaha ilaalada  Madaxweynaha waxaana lagu magacaabaa C/fataax kaasoo hore ula shaqeyn jirey madaxweynaha.
Xilkaan oo ah mid ciidan ayaa hadana miisaankiisa leh waxaana waerarku tilmaamayaan in wiilku soo bartay qeyb ka mida waxbarashada ciidamada isagoo dalka dibadisana ku soo bartay.
C/fataax Xasan Sheekh wuxuu wax ku soo bartay Dalka Serbia,qaar ka mid ah saraakiishii wax la soo baratay ayaa ku amaanay wiilka Madaxweynaha inuu howlkar yahay islamarkaana aad u bartay howsha cidanimada iyo amniga.
Wiilkaan ayaa hore waxaa loogu arki jirey isagoo si qaas ah aabihiis ula socda islamarkaana ka fura albaabka baabuurta buruufka ah ee aan wax karin kuwaasoo madaxdu inta badan isticmaalaan.
Madaxweyne Xassan ayaa hore gabadhiisa xil ugu magacaabay Dowlada taasoo iyadana wax soo baratay,madaxweynaha ayaa magacaabista gabadhiisa hadal heyn ka dhalatay wuxuu kaga jawaabay in qoyskiisu yihiin muwaadinin Somaliyeed islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay dalka xil ka qabtaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Xasan “Musharaxnimadeyda wali go’aan kama gaarin

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay marka muda xileedkiisu dhamaado inuu mar kale isasoo sharaxayo iyo inuu ka tanaasulayo arimahaasi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waqti xaadirkaan uusan go’aan rasmi ah ka gaarin inuu mar kale isasoo sharaxayo.

“Wali ma go’aansan inaan Musharax noqdo, hada waxaan xooga saaray dhanka amniga” ayuu yiri Madaxweyne Xassan

Wuxuu intaasi ku daray inuu shaacin doono go’aankiisa marka doorashada xiligeeda la gaaro, sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay ku xirnaan doono go’aankiisa had-ba siyaasada halkeey mareyso.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay inuu xooga saarayo sidii dalka uu uga dhici lahaa doorasho qof iyo cad oo Dowladiisu ku talo jirto inay hirgeliso.

Xassan Sheekh oo wareysi siiyay warbaahin Kenya laga leeyahay ayaa mar uu ka hadlayay amniga wuxuu sheegay in wax badan ay u qabsoomeen madaama ololohiisii musharaxnimada ay ku jirtay inuu kooxda alshabaab dagaal la galo.

“markaan madaxtooyada ku soo laabtay 2022 waxaan ku guuleysanay inaan hagaaajino amniga Muqdisho oo qaraxyadu bil kasta dhici jireen hada aad bay u yaraadeen”ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo intaas ku daray in Muqdisho amnigeeda ay qeyb ka qaateen dhismooyinka daaraha dheedheer ee xamar ka socda iyo maalgashiga socda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xamaas oo shaacisay weeraro ay ku qaaday ciidamada Yuhuuda

QAZA (DAYNIILE.COM)-Mujaahidiinta Xamaas ayaa ka war bixiyay weeraro ka dhan ah ciidamada Israel ee ku sugan magaalada Gaza kuwaasoo ay marar iyo goobo kala duwan fuliyeen saacadihii ugu dambeeyay.

Guutada al-Qudus ee garabka melleteriga ee Jihaad Islaami ah ee falastiiniyiin ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay gantaal la hagayay ku garaaceen dhismo ay ciidamada Israel gabaad ka dhiganayeen magaalada Gaza.

Dhanka kale, Guutada Qassam ee Xamaas ayaa sheegtay in ay beegsatay taangi uu ku jiro gantaalaha lidka hubka ayna ku qarxiyeen walxaha qarxa askarta Israa’iil ee ku sugan isla aagga.

Inta badan Gaalada jabkooda waa qarsadaan mana jirto warbaahin u dhiiran karta inay markiiba gaaraan meelaha qaraxyada iyo weerarada lagula beegsado xili lagu yaqaan inay wariyayaasha dilaan xitaa cirka waa ka soo duqeeyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS