Ciidamada Israel ayaa Saaka  isaga baxay magaalada Beita ee koonfurta Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, saacado kadib markii ay xoog ku galeen.

Ciidamada ayaa saaka waabarigii soo galay magaalada, iyagoo beegsaday dhowr guri, isla markaana ay burburiyeen wixii ku jiray. Waxay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen dhalinyarada Falastiin.

Advertisement

Dagaalka ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamada Israa’iil ay xoog ku galeen magaalada Kafr Dan halkaas oo baabuurta militariga ay roondo ku sameeyeen waddooyinkeeda ka hor inta aysan gudaha u gelin guryaha ku yaalla magaalada.

Weerar ayaa sidoo kale laga soo sheegay Jeenin, Qalqilya iyo Xebroon, Labo falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay xerada qaxootiga ee Jalazone ee waqooyiga Ramallah, mid ka mid ah ayaa xaaladiisu ay aad u liidataa kadib dhaawac madaxa ka soo gaaray.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COMImageImageImageImage

Image

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here