Diinsoor (dayniiile.com)-Ciidamada Itoobiyaanka ee magaca Atmis ku jooga Soomaaliya ayaa maanta weerar waxay ku qaadeen fariisimaha dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin dukeedka Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bakool.
Ciidamada Itoobiya oo fadhi ku leh Magaalada Diinsoor ayaa weerarkoodu ahaa mdaafiicda nuuca Soomaalidu u taqaan Hoobiyaha kuwaasoo ay ku garaceen fariisimaha Alshabaab ee duleedka Magaalada Diinsoor sida ay sheegtay Idaacada shabelle.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aalaaba Dagaalyahanada Alshabaab ay weerarada uga soo qaadaan Ciidamada Itoobiyaanka duleedka Diinsoor gaar ahaan halka madaafiicda lagula beegsaday.
Ma jirto khasaare nafeed oo laga soo sheegaayo halka weerarka lagu ekeeyay walow dadka shacabka ah ay dareemeen cabsi badan markii ay maqleen madaafiicda Itoobiyaanka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM