HomeWarkiiCiidamo Booliis Soomaaliyeed ah oo tababar loogu soo xirey Dalka Jabuuti+SAWIRRO

Ciidamo Booliis Soomaaliyeed ah oo tababar loogu soo xirey Dalka Jabuuti+SAWIRRO

May be an image of 6 peopleTaliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), Wasiiro iyo Diblomaasiyeen ka kala socdey dalal badan oo caalamka ah, ayaa maanta dalka aan Walaalaha nahay ee Jabuuti kaga qeyb galay xaflad tababar loogu soo xiraayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.
Tababarkaan ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee Jabuuti lagu qabto, waana dufcadii 22-aad ee ka tirsan ciidanka Daraawiishta booliiska Soomaaliyeed oo tababar xirfadiisu sareysa ku soo qaatey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti .
Ugu danbeyn, Taliye xigeenka ayaa uga mahadceliyay macalimiinta fulisay Tababarkaas oo ay ugu horeeyaan Ciidanka Booliiska dalka Jabuuti oo kaalin Lama ilaawaan ah ka geystey fulinta Tababarkaan, Taliye Kaniif Ayaa sidoo kale u mahadceliyey Dowladda Taliyaaniga oo kaalin muuqata ka geysatey taageerida Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.
Ciidanka tababarka soo dhameystey ayaa ka qeyb galidoona Dagaalka Lagu ciribtiraayo Kooxaha Khawaariijta ee dulaanka ku ah dhiiga ummadda Soomaliyeed, waxana ay si gaar ah u tagi donaan furimaha hore ee dagaalka.May be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people and text that says "আ POLICE POLICE"May be an image of 4 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -