MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta dib loo furey shirarkii Golaha shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya xili uu shir gudoominayo Gudoomiye Aadan Madoobe iyo xubnaha kale ee gudoonka kala shaqeeya.
Madaama maalmihii ugu dambeysay uu jirey khilaaf soo kala dhex-galay gudoonka iyo xildhibaano diidan go’aankii Aadan xasaanada looga qaaday Xildhibaan Abiib ayaa waxaa maanta baarlamaanka ka dhacay iyo gacan ka hadal.
Gudoomiye Aadan Madoobe oo isku dayaya inuu fadhiisiyo xildhibaanada fowdada iyo buuqa wada ayaa waxaa ka mid ah erayadiisa  Xildhibaan Caana-nuug Jiis ayaa tahay fariiso,Xildhibaan Jeesow waaad duqowday Fariiso.
Haddaba halkaan ka daawi buuqa iyo gacan ka hadalka laga wadi waayay shirkii qabsoomi lahaa iyo ajandihii laga hadli lahaa:-
Xigasho muuqaalka Universal TV.