Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe waxaa goordhow ka duuley 15 kamid ah maxaabiistii ciidanka Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool.
Maxaabiistaan ayaa lagu soo bedeli doonaa 11 Maxbuus oo Somaliland gacanta ku hayso, kadib wadahadal dhexmaray Maamulada Puntland iyo Somaliland..
Jawigaan wada hadal iyo maxaabiis is dhaafsiga waxaa sameeyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.