Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed  saaka ka dhacay qeybo ka mida Gobolka Mudug kaasoo u dhexeeyay beelaha kala dega  Cabud-waaq iyo Xeraale.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 30 ruux oo labada dhinac ah  halka tira intaasi ka badana ay dhaawacmeen kuwaasoo goobaha caafimaad loo kala qaaday.

Advertisement

Dagaalka oo saaka aroortii ka qarxay inta u dhaxeeysa Qalanqale iyo Laandheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa u dhexeeya dad walaalo ah oo darisna ku ah deegaanada ay kala degaan.

Ciidamo ka kala ssocda Dowlada Somalia iyo Maamulka Galmudug ayaa la soo sheegayaa inay ku baxeen inkastoo aan wali la xaqiijin inay kala dhex galeen.

Labadaan Beelood ayaa sidaan oo kale u dagaalamay waxaan dhameyn laba bilood ka hor iyadoo uu dhawaan fashilmay gogol labada beelood loo dhigay Magaalada dhuusa-mareeb markii ay qaadaceen labada dhinac gogoshaasi nabadeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here