Wararka laga helaayo Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi saaka uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaan oo u dhexeeya labada Beelood ee ka soo kala jeeda  Xeraale iyo iyo Cabud-waaq ayaa si gaar ah saaka uga dhacay deegaanka LAandheer 20 km u jira Magaaladda Huurshe Ee Gobalka Galgduud.

Advertisement

Dagaalka oo bilowday salaadii subax ayaa waxaa qeyb ka ah gaadiid dagaal oo maleeshiyaad beeleedku isticmaalayaan taasoo cabsi  iyio argagax aroor horaba ku riday dadka shacabka ah ee ku sugan aaga lagu dagaalamayo.

Ma jirto wax fahfaahin ah oo laga hayo dagaalka marka la eego khasaaraha nafeed iyo mid maaliyadeed uu geystay madaama xiisada dagal wali taagan tahay.

Maamulka Galmuidug wali wax ciidan uma dirin goobta dagaalka intaan ka war heyno si loo kala dhex dhigo maleeshiyaad beeleedka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here