DUBAI (DAYNIILE.COM)-Dalalka Imaaraadka,Masar iyo Jordan ayaa war ka soo saaray qaraxii dadka badani ku dhinteen ee shalay ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada muqdisho kaasoo uu ka danbeeyay ruux nafii halige ahaa.
Dalalkaani waxay sheegeen inay cambaareynayaan weerarkaasi argagaxasenimo ee dadka dhalinyarada lagu laayay.
War ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay ka soo horjeedan falalka dambiyada abaabulan iyo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisanimada ee lagu khalkhal geliyo amniga iyo xasilloonida.
Ugu dambeyn Dowlada Imaaraadku waxay tacsi hawada u soo mariyeen Dowlada Somalia,shacabkeeda iyo dhaman qoysaska ay ehaladoodu ku geeriyoodeen qaraxaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM