GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay waqooyuga Gaalkacyo ku dileen darawal taksiile iyo haweeneey uu gaariga ku siday.
Dilkaan oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aano qabiil ayaa wararka qaar sheegayaan in kooxda weerarka qaaday ay taksiilaha beegsanayeen balse rasaastii ay wada dishay taksiilaha iyo gabadha.
Ciidamada Maamulka Puntland oo goobta gaaray ayaa la sheegay inay baaritaan ka sameeyeen halkii falku ka dhacay walow aaney ku gaarin kooxihii hubeysnaa ee dilka fuliyay.
Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad ugu soo laab-laabanyay Gobolka Mudug dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilla iyo waliba dagaal beeleedka tooska ah ee mararka qaar beeluhu hubka waa weyn iyo tiknikada isu adeegsanayeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM