Dhoobleey (dayniiile.com)-Sida TV-ga Qaranka uu goor dhaw shaaciyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubaland ayaa caawa fashiliyay qorshe Alshabaab miinooyin ku galinayeen wadooyin soo gala Magaalada Dhoobleey.
Taliyaha Amniga Guud ee Magaalada Dhoobleey Gaashaanle Sare Maxamed Maxamuud Heybe oo la hadlayay TV-ga Qaranka ayaa sheegay in Howlgal Caawa iska kaashteen Ciidamada Dowlada ,kuwa jubaland iyo shacabka inay ku suurtagashay inay ka hortagaan miinooyin dhulka lagu aasay.
“waxaan aad ugu mahadcelinayaa shacabka oo garab nagu siiyay qorshahaan lagu fashiliyay qaraxyo Alshabaab la doonayeen dadka reer dhoobleey waliba laba goob ayay la raben inay ku qarxiyaanm”ayuu yiri Taliye Maxamedd Maxamuud Heybe.
Taliyaha wuxuu xusay in maalmihii ugu danbeeyay ay Alshabaab maleegeyeen qorshooyin,tii ugu danbeysay oo ay rabeen inay sameeyaana ayuu sheegay inay ka war heleen islamarkaana ay fashliyeen qorshahaasi oo ah inay qaraxyo ku weeraraan shacabka sida uu warka u dhigay.
Meesha ay hada ku tala galeen inay qaxiyaan maaheyn xarumo Dowlo iyo Xarumo Ciidan ee waxay ahayd goobaha shacabka oo hada ka horna sidaas u qarxiyeen”ayuu yiri Taliyaha
Sidoo kale wuxuu sheegay inay hayaan Miinooyinkii ay rabeen inay Alshabaab aasaan islamarkaana ay ciidamadu isku biimeeyeen inay fashiliyaan sida uu sheegay Taliyaha.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM