XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeela dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alhabaab ay soo galeen deegaankaasi iyadoo dagaal weyna uu dhicin.
Sarkaal Dowlada ka tirsan oo la hadlayay Idaacada Risaala ayaa xaqiijiyay in ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku ka soo baxeen Xawaadleey islamarkaana ay ku sugan yihiin duleedka deegaankaasi.
Sidoo kale Sarkaalkaani wuxuu sheegay inay gudaha Deegaanka Xawaadleey ay wali ku dam beeyaan ciidamada ATMIS islamarkana ay magaalada iskula sugan yihiin kooxda Alshabaab.
Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Somalia wali wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka deegaanka Xawaadleey iyo wararka sheegaya in alshabaab dhinac ka heystaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM