Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, iyadoo xilkaas laga qaaday Jen, Odawaa Yuusuf Raagge oo xilkan hayay tan iyo 2019.

Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin ayaa soo noqday Madaxii Hab Maamuuska Madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta Madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Advertisement

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad  Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.

Waxaana Odawaa uu Xilkaan tan 2019 kii, waxaana magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here